HomeWararXildhibaanada Golaha Shacabka oo loo kala diray fariimo iska soo horjeeda oo...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo loo kala diray fariimo iska soo horjeeda oo ku saabsan kulanka Berri

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Muqdisho ayaa Caawa laga dareemayaa kulanka golaha Shacabka Soomaaliya ee la filayo in uu Berri ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo Xildhibaannada loo diray laba fariin oo xambaarsan laba Ajende. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey Jawaari waxa uu ku wargeliyey in kulankii Golaha […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa Caawa laga dareemayaa kulanka golaha Shacabka Soomaaliya ee la filayo in uu Berri ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo Xildhibaannada loo diray laba fariin oo xambaarsan laba Ajende.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey Jawaari waxa uu ku wargeliyey in kulankii Golaha Shacabka Berri la qaban doono,isla markaana ajendaha uu yahay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale Xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa iyana waxaa loo diray fariimo ku saabsan in kulanka Beri ee Golaha Shacabka Soomaaliya soo xaadiraan,sidoo kalena Ajendaha kulanka uu yahay ka doodista Xiisadii Beled Xaawo.
Arrintaan ayaa waxaa jira cabsi laga qabo in kulanka Berri uu ka dhaco Xildhibaannada dhexdiooda fowdo,iyada oo kulankaan uu Sabtidii la soo dhaafay uu baajiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Todobadkaan ayaa waxaa socotay waan waan uu Madaxweyne Farmaajo ka dhex waday gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya si xiisada loo dejiyo,balse gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta jeediyey hadalo u muuqday in wadahadaladaas ay fashilmeen,isal markaana uu madaxweyne Farmaajo ku yiri is casil laakin isagu uusan is casileyn.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories