HomeWararAl-Shabaab oo la wareegay deegaanka Cali Fooldheere

Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Cali Fooldheere

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldhere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa deegankaas la wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab inay qabsadeen deegaankaan, ciidankana ay ka soo galeen dhawr jiho oo deegaanka ah. Al Shabaab ayaa tagay Saldhigyadii ciidamada Amisom […]

- Advertisement -

Kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldhere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa deegankaas la wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab inay qabsadeen deegaankaan, ciidankana ay ka soo galeen dhawr jiho oo deegaanka ah.

- Advertisement -

Al Shabaab ayaa tagay Saldhigyadii ciidamada Amisom ay ka guureen, halkaasi oo la soo sheegaayo iminka inay ka wadaan baaritaan.

Ciidamada Al Shabaab ayaa wararka waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay baarayaan xaafado ka mid ah deegaanka Cali Fooldheere, halkaasi oo la sheegay Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka inay daganaayeen.

Deegaanka Cali fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories