HomeCaalamkaDhibane Xaashi Cumar oo Maxkamada Roma Saddex Milyan Eurou u xukuntay

Dhibane Xaashi Cumar oo Maxkamada Roma Saddex Milyan Eurou u xukuntay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Nin Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dilkii wariye RAI Ilaria Alpi iyo sawir qaade Milan Hrovatin ayaa helay saddex milyan oo yuuro oo magdhow ah ka dib Sanado badan oo uu xabsi ku jiray. Xaashi Cumar Xassan ayaa helay lacag dhan 3.181 Milyan oo Euro oo ay u xukuntay maxkamadda racfaanka Perugia. […]

- Advertisement -

Nin Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dilkii wariye RAI Ilaria Alpi iyo sawir qaade Milan Hrovatin ayaa helay saddex milyan oo yuuro oo magdhow ah ka dib Sanado badan oo uu xabsi ku jiray.

Xaashi Cumar Xassan ayaa helay lacag dhan 3.181 Milyan oo Euro oo ay u xukuntay maxkamadda racfaanka Perugia.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa sheegtay in lacagtaan ay tahay Magdhow, maadaama uu Sanado badan uu xirnaa, isagoo ah eedeysane.

Bishii Oktoobar 2016-kii ayaa Maxkamad Perugia ay ka noqotay xukunkii Haashi lagu riday  1994-kii.

Dacwad oogaha Dario Razzi ayaa u sheegay maxkamada inaysan “geli Karin” dembiga uu ka shaqeynayay in ka badan 16 sano oo xabsi ah, islamarkaana uusan galin dambiga lagu eedeeyey ee ahaa inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994- ka dhacay.

- Advertisement -

Gabadha wariyaha ayaa Soomaaliya u tagtay si ay ugu sameeyaan baaritaano eedeymaha sheegaya, in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey dad loogu yeeray hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya hortaantii sagaashameeyadii.

Ilaria Alpi ayaa ka tagtay magaalada Boosaaso ka dibna waxay timid magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dilay March 20, 1994.

Xaashi Cumar Xasan, ayaa si shirqool ah loo geeyay dalkaasi, bishii January ee sanadkii 1998-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories