HomeCaalamkaHeshiisyo dhex maray Soomaaliya iyo Pakistaan

Heshiisyo dhex maray Soomaaliya iyo Pakistaan

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dowlada Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa ka Shalay oo Kamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha. Kulan Caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha Siyaasadda dibedda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen; Nasser […]

- Advertisement -

Dowlada Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa ka Shalay oo Kamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Kulan Caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha Siyaasadda dibedda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen; Nasser Khan Janjua, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo adkayn lahaa xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan.

- Advertisement -

Gen; Nasser Khan Janjua, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Waddan leh fursado wanaagsan oo qani ah, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyo badan oo mudan in laga faa’iideysto.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga Labada Waddan, gaar ahaan Ganacsiga, horumarinta kheyraadka Aadanaha, Difaaca iyo sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya, iyagoo si isku mid ah u ballanqaaday inay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada lagu heshiiyay.

Danjiraha Somaaliya u joogta Dalka Pakistaan, Amb; Khadija Mohammad Al-Makhdoomi, oo kulanka qayb ka ahayd ayaa soo dhoweysay iskaaashiga iyo heshiiskan Taariikhiga ah ee dhex maray Labada dhinac, waxayna sheegtay inay Pakistan leedahay awood weyn oo wax looga qabto arrimaha amniga gudaha, iyadoo ay Soomaaliyana dooneyso inay wax ka barato Khibraddeeda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories