HomeWararSawirro:-Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galay ololaha Nadaafadda G/Banaadir

Sawirro:-Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galay ololaha Nadaafadda G/Banaadir

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb qaatay ololaha billahaa ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis , waxuna gacantiisa uga qayb […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb qaatay ololaha billahaa ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis , waxuna gacantiisa uga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda.

- Advertisement -

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaankooda, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid walba oo qashin ku shubta laamiga iyo goobaha kale ee bulshadu isugu timaado.

“Maanta waa waqtigii aynu u astaynay nadaafadda oo magaalada dhan laga fulin doono, waxaa muhiima in dhammaanteen aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda, iskana nadiifino qashinka. Haddii aynaan qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka iyo xaafadaha ma jirto cid dibedda nooga keenaysa dal nadiif ah.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhamaan xarumaha dawlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ololahan nadaafadeed, iyadoo uu hormuud u yahay Maamulka gobolka Benaadir isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadda.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories