HomeCaalamkaGolaha Ammaanka QM oo Waqti kordhin u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka QM oo Waqti kordhin u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Shir ay ku yeesheen magaalada New York,Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayay ku meel mariyeen qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM. Golaha ayaa isku raacay in muddada xafiiska uu shaqeynayo la gaarsiyo ilaa 31 Maarso 2019,si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah oo xafiiskaasi uu ka haya Soomaaliya,gaar […]

- Advertisement -

Shir ay ku yeesheen magaalada New York,Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayay ku meel mariyeen qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

Golaha ayaa isku raacay in muddada xafiiska uu shaqeynayo la gaarsiyo ilaa 31 Maarso 2019,si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah oo xafiiskaasi uu ka haya Soomaaliya,gaar ahaan taageeridda barnaamijyada horumarineed ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dalka.

- Advertisement -

Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya.

Waxaa Sidoo kale qaraarkan lagu ammaanay waxqabadka dowladda Soomaaliya,iyagoo dhanka kale ayaa ku baaqaya in la sii xoojiyo dadaalada horumarineed oo ay waddo Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Xafiiska Siyaasadda ee QM UNSOM ayaa loogu talagalay in dowladda Soomaaliya uu ka taageero dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha,dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Dalka,waxaana la aas aasey sanadka markuu ahaa 2013.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories