HomeCaalamkaAkhriso:-Shaqsi loo saadaalinayo in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya

Akhriso:-Shaqsi loo saadaalinayo in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay in loo doorto guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya,kaasi oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Wadankaasi Itoobiya. Waxaa Tallaabadan ay u muuqataa mid horseedaysa amma dhabaha u xaaraysaa  in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah,sida ka […]

- Advertisement -

Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay in loo doorto guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya,kaasi oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Wadankaasi Itoobiya.

Waxaa Tallaabadan ay u muuqataa mid horseedaysa amma dhabaha u xaaraysaa  in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah,sida ka muuqata haykalka siyaasadeed ee qaab dhismeedka Dowladda Dalkasi Itoobiay.

- Advertisement -

Isbedelkan siyaasadeed ee ka dhacay Dalkaasi Itoobiya iyo Ku-dhawaaqiddan guddoomie Abiy Ahmed ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa.

Bulshooyinka kunool Dalkaasi Itoobiya oo ay Soomaalida ku jirto ayaa qoorkood aragtiyo kaladuwan ka muujiyaya doorashadan,qaar ayaa aaminsan in ay tahay talaabo wanaagsan,halka kuwo kalena ay muujinayaan in weli muuqato doorasho ha dhinac ah oo xisbiga talada dalkaasi haya un ku kooban,balse loo baahnaa in doorasho xor iyo xalaal ah lagu bedelo.

Dhawaan waxaa is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaasi Itoobiya Hailemariam Desalegn,taasi oo soo dedejisay in uu dhoco isbedel siyaasadeed,waxaana muuqataa in Qowmiyadda Oromada ay degnaansho muujin doonaan hadiiba ay heleen hoggaanka Dalkaasi.

- Advertisement -

Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Talada Haya ee Dalkaasi Abiy Ahmed ayaa ah siyaasi aqoon sare leh islamarkaana uu wax ku soo bartay wadamo kaladuwan oo caalamka kamid ah,waxaana la tilmaamayaa in uu ka qoon badan yahay hoggaamiyaashii hore qaarkood,waa siyaasi aabihii uu muslim yahay hooyadiisuna ay Masiixi tahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories