HomeCaalamkaSacuudiga oo qoorta ka jaray Shaqaale u dhashay dalka Indonesia

Sacuudiga oo qoorta ka jaray Shaqaale u dhashay dalka Indonesia

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Maamulka dalka Sacuudiga ayaa qoorta ka jaray nin ku eedeysan inuu dilay nin kale inkastoo la tuhunsan yahay in eedaysanaha lagu qasbay inuu qirto danbiga dilka. Sida laga soo xigtay Migrant Care, hay’ad Indonesian ah oo u qaabilsan daryeelka shaqaalaha muhaajiriinta ee reer Indonesia, ayaa xaqiijiyay in muwaadin udhashay dalka Indonesia laguna magacaabo Zaini Misrin […]

- Advertisement -

Maamulka dalka Sacuudiga ayaa qoorta ka jaray nin ku eedeysan inuu dilay nin kale inkastoo la tuhunsan yahay in eedaysanaha lagu qasbay inuu qirto danbiga dilka.

Sida laga soo xigtay Migrant Care, hay’ad Indonesian ah oo u qaabilsan daryeelka shaqaalaha muhaajiriinta ee reer Indonesia, ayaa xaqiijiyay in muwaadin udhashay dalka Indonesia laguna magacaabo Zaini Misrin la dilay ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay nin uu darawal u ahaa oo Sacuudiyaan ah sanadkii 2008, ka dib markii la xiray afar sano ka hor.

- Advertisement -

Migrant Care ayaa ka shaki qaba in 53 jirkan lagu qasbay inuu qirto dilka. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay in Zaini uusan helin gargaar dhanka sharciga ah intii lagu gudo jirey maxkamadeenta kadibna uu la socday turjubaan la rumaysan yahay in uu ku qasbay inuu qirto dembiga oo uu sheeganayay inuusan gaysan.”Sacuudi Carabiya sidoo kale ma ogeysiisin Indonesia arinta ku saabsan fulinta dilka iyada oo loo marayo qunsuliyadda guud ee Jeddah ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda,” ayay kooxdu ku tiri hadal qoraal ah oo la sii daayay Isniintii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories