HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo Shir uga qeybgeli doona dalka Ruwanda

Madaxweyne Farmaajo oo Shir uga qeybgeli doona dalka Ruwanda

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay dhawaan u ambabaxaan dalka Ruwand,halkaas oo ay shir uga qeybgeli doonaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgeli doona Shir madaxeedka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo Maalinta Arbacada ah ka dhici doona dalka ruwand,waxana sidoo kale ka qeybgeli doona hoggaamiyaasha 35 Dal.

Madaxda kale ee shirkaasi ka qeyb geli doonta ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Bangiga horumarinta Afrika Adesina Akinwumi, iyo Xoghayaha guud ee Ururka Ganacsiga ee COMESA, Sindiso Ngwenya iyo wakiilka Guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobey ee Afrika Vera Songwe.

Madaxda Wadamadooda lagu casuumay oo ilaa iyo hadda la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah Congo, Brazzaville, Niger, Chad, Uganda, Djibouti,Somalia, Madagascar, The Gambia, Guinea Bissau, Mozambique, Nigeria, Central African Republic, Libya, Burkina Faso, Angola, Zimbabwe, South Africa, Senegal, Kenya, Mali, Madagascar, Gabon, Guinea, Sahrawi, Ghana, Lesotho, iyo Comoros.

Shir madaxeedka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa markii la soo gaba gabeeyo waxaa halkaasi lagu saxiixan doonaa heshiiska dhaq dhaqaaqa Ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu dalka ruwanda kula kulmi doonaa Madaxda ka qeyb galeysa doona Shir madaxeedka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika,isaga oo kala hadli doono sidii loo taageeri lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories