HomeCaalamkaAkhriso:-Magacyada 7 Musharax oo u taagan qabashada xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Akhriso:-Magacyada 7 Musharax oo u taagan qabashada xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra’isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas’uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata. Rai’salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in […]

- Advertisement -

Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra’isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas’uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.

Rai’salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii

- Advertisement -

Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya.

Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii uu noqon lahaa ra’isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya.

Isabahaysigan ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga ahayd.

- Advertisement -

Waa kuwaan toddobada nin oo u sharaxan jagada ra’isal wasaaraha ee itoobiya.

  1. Lemma Magersa

Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO.

47 jirkaan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka oromiya.

 

Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah. waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahal la yeesho ururada mucaaradaka ah.

Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku farsiito kurigaasi oo mahan xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka.

  1. Abiy Ahmed

Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo saadaalinayo in uu bedelo ra’isalwasaarhii hore.

Waa siyaasi caaqil ah sidoo kalana aqoontiisu sarreyso.

Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira muslimiin iyo masiixiyiin.

42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii.

Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Colonel.

  1. Debretsion G Michael

Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay.

Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka aasaasay raadiye lagu magacaabo “Dimtsi Weyane”.

markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka ee Qaranka.

Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF iyo wasiirka warfaafinta.

  1. Demeke Mekonen

 

Waa ra’isalwasaare ku xigeenka ee wadanka.

Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray kadib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada.

Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM.

Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF.

Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya.

  1. Workneh Gebeyehu

Waa xubin ka tirsan xisbiga OPDO iyo wasiirka arrimaha Dibedda ee Itoobiya.

Waxa uu dhashay lixdameeydii waxa uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska ee Federaalka.

Dhamaadkii sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay wasiirka gaadidka jagadaas oo uu hayay muddo afar sanadood ah.

  1. Siraj Fegessa

Waa wasiirka difaaca ee itoobiya .

Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinada marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro.

Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra’isalwasaarahii hore waxaana loo magaacabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga

  1. Shiferaw Shigute

Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya.

Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra’isalwasaarihii xilka iska casilay.

Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa macalin ku biiray siyaasadda.

Dadka qaar ayaa sheegaya doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay gogol xaar u tahyay suurtagalnimada ah in uu noqdo ra’isulwasaaraha xiga ee itoobiya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories