HomeWararDhageyso:-Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug oo toogtay Maleeshiyaad isbaaro dhigtay

Dhageyso:-Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug oo toogtay Maleeshiyaad isbaaro dhigtay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamada Nabad-Sugida Dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgallo isbaaro qaadis ah waxa ay ka sameeyeen Wadada xiriirisa deegaanada Godinlabe iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud,kadib cabasho ka timid Shacabka. Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ee howlgalka waday iyo maleeshiyaad isbaarooyin dhigtay waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah. Taliyaha […]

- Advertisement -

Ciidamada Nabad-Sugida Dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgallo isbaaro qaadis ah waxa ay ka sameeyeen Wadada xiriirisa deegaanada Godinlabe iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud,kadib cabasho ka timid Shacabka.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ee howlgalka waday iyo maleeshiyaad isbaarooyin dhigtay waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah.

- Advertisement -

Taliyaha Cidamada Nabad-Sugida Galmudug Cali Cilmi Ilkcase ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ku guuleysteen in Wadada xiriirisa Godinlabe iyo Galinsoor ay isbaarooyinka ka qaadaan,isla markaana ay dileen laba ka tirsan maleeshiyadii isbaarada dhigtay.

Tiro dhowr jeer ayaa sidan oo kale Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug waxa ay sameeyeen howlgal isbaaro qaadis ah,waxana taasi ay ka dambeysay kaidb cabasho ka timid darawalada Gaadiidka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Galmudug.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories