HomeWararXildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Allaha u naxariistee waxaa saakay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dowlad Goboleedka Jubbaland ku geeriyooday Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo ka mid ahaa Xildhibaanada Maamulka Jubbaland. Qaar ka mid ah Ehelada ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in Xildhibaanka waayadaan xanuunsanaa saakayna uu geeriyooday,isla markaana Galabta lagu aasay Qabuuro ku yaalla Magaalada […]

- Advertisement -

Allaha u naxariistee waxaa saakay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dowlad Goboleedka Jubbaland ku geeriyooday Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo ka mid ahaa Xildhibaanada Maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid ah Ehelada ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in Xildhibaanka waayadaan xanuunsanaa saakayna uu geeriyooday,isla markaana Galabta lagu aasay Qabuuro ku yaalla Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee xildhibaan Buraale ayaa Eheladiisa waxa ay sheegeen in maalmahaan uu ku furnaa kiis ku aadan dhul laga xukumay qof ay ehelo ahaayeen kadibna dhismo lagu bilaabay.

Warar kale aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaan Buraale oo kiiskaas ku wargeliyay Madaxweyne ku xigeenka jubbaland Cabdulqaadir Luga dheere,isla markaana uu joojiyay in dhulkaasi la dhiso.

Waxaa kaloo jirtay in Shaqsiga dhulka laga xukumay uu keenay Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland ayna isku hareereeyeen dhulkii leysku heystay taas oo keentay in Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Buraale Axmed uu dhiig ku kaco,kadibna uu geeriyoodo.

- Advertisement -

Galabta ayaa Magalada Kismaayo lagu aasay,waxaana aaskiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo qaar ka mid ah eheladiisa,waxaan Xildhibanka uu mar ka mid noqday Xildhibaanadii dowladdii KMG ahaa xiligii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh  Shariif Sheekh Axmed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories