HomeWararSawirro:-Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Saraakiil Cadaan ah

Sawirro:-Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Saraakiil Cadaan ah

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Saraakiil Qaramada Midoobey ka socday ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana ku qaabilay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay). Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka ciidamada iyo arrimaha ammaanka. Saraakiishan oo uu horkacayay […]

- Advertisement -

Saraakiil Qaramada Midoobey ka socday ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana ku qaabilay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka ciidamada iyo arrimaha ammaanka.

- Advertisement -

Saraakiishan oo uu horkacayay Bengt Gronlund ayaa waxay Kusimaha Madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Somaliya ayuu Wasiir Xasan Eelaay guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories