HomeCaalamkaXadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee G/Gedo oo Maalintii labaad xiran

Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee G/Gedo oo Maalintii labaad xiran

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maalintii labaad uu xiran yahay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Dalka Kenya dhanka Magaalada Balad Xaawo. “Dhammaan Goobihii Ganacsiga ayaa xiran,mana jirto cid xadka ka soo gudbeysa iyo cid kasii baxeysa,dowladda Kenya ayaa xirtay oo dhul ballaarsi wada maalintii labaad ayuu xadka xiran yahay […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maalintii labaad uu xiran yahay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Dalka Kenya dhanka Magaalada Balad Xaawo.

“Dhammaan Goobihii Ganacsiga ayaa xiran,mana jirto cid xadka ka soo gudbeysa iyo cid kasii baxeysa,dowladda Kenya ayaa xirtay oo dhul ballaarsi wada maalintii labaad ayuu xadka xiran yahay xataa Jaadkii ka imaan jiray Kenya lama keenin gobolka Gedo ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Balad Xaawo”

- Advertisement -

Maamulka Magaalada Balad Xaawo ayaa dowladda Kenya ku eedeynaya in ay Kenya ku soo xadgudubta Dhulka Soomaaliya isla markana ay haatan wado dhul ballaaris una bsahan in laga hortago.

Muran dhanka xaduudka ah ayaa weli ka taagan Magaalada Balad Xaawo,waxana dowladda Kenya ay wadaa qorsho ay halkaasi derbi kaga dhiseyso,iyada oo horay u jirtay in Shacabka Magaalada Balad Xaawo ay ka hor tageen iyo in Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ay halkaasi tageen.

Muranka dhanka Xaduudka ah ee ka taagan gobolka Gedo ayaa mudo badan soo jiitamayay waxaana dowladda Kenya ay ku adkeysaneysaa in ay xadka derbi ka dhiseyso si amnigeeda u ilaaliso maadaama ay dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories