HomeCaalamkaXukuumadda Soomaaliya oo u digtay Dowladda Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Soomaaliya oo u digtay Dowladda Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Dowladda Somaliya ayaa digniin u dirtay dowladda Isu taga Imaaraadka Carabta, xilli ay taagan tahay xiisada la xiriirta heshiiskii Dakadda Magaalada Berbera ee Somaliland. Wasiirka arrimaha dibada Somaliya oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa wuxuu sheegay Imaaraadka inay kaga digayaan faragelinta ay ku hayaan Somaliya. “Imaaraadka arinta ay sameynayso waa midda aan dacwadda ka nahay, […]

- Advertisement -

Dowladda Somaliya ayaa digniin u dirtay dowladda Isu taga Imaaraadka Carabta, xilli ay taagan tahay xiisada la xiriirta heshiiskii Dakadda Magaalada Berbera ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliya oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa wuxuu sheegay Imaaraadka inay kaga digayaan faragelinta ay ku hayaan Somaliya.

- Advertisement -

“Imaaraadka arinta ay sameynayso waa midda aan dacwadda ka nahay, waa midda aan diidanahay, waana cadeenay haddii aysan ka noqon arrintaasi dariiqooyin badan oo inoo furan ayaa jira.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya.

“Somaliland waa dad walaalaheena ah waxa ay ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed, horumarkooda waan jecel nahay, Imaaraadka qaabka ay udhaqmeen ma ahan wax wanaagsan, dacwad ayaana ka gudbinay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay BBC-da.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Qaahira ku gudbisay dacawad ka dhan ah Imaaraadka, waxaana Goluhu ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in ay muqadas tahay madax banaanida Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories