HomeCaalamkaUrurka jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee...

Ururka jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee Berbera

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Sooomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan safiirka soomaaliya u fadhiyo Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta  Cabdiqani Maxamed Wacays iyo diplomaasiyiinta safaarada  ayaa ka qeyb galay shirka wasiiradda arrimaha dibada ee Dowladaha Carabta oo ka dhacay Qaahira. Kal fadhiga wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta  aya […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Sooomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan safiirka soomaaliya u fadhiyo Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta  Cabdiqani Maxamed Wacays iyo diplomaasiyiinta safaarada  ayaa ka qeyb galay shirka wasiiradda arrimaha dibada ee Dowladaha Carabta oo ka dhacay Qaahira.

Kal fadhiga wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta  aya ahaa kii 149 waxana looga hadlay Sagaal ajande oo kamid tahay warqad Dowladda Soomaaliya u gudbisay ururka jaamacadda carabta kuna saabsan heshiiska baadilka ah ee dekadda Barbara si dowladdaha carabta uga qaatan mowqif mideysan.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraat-ka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed .

Golaha wasiirradda Jaamacadda Carabta ayaa Ashtakadaasi kasoo saaray baaq ay ku mideysan yihiin oo ah in madaxbanaanida, midnimadda iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan oo Dowladda federaalka ay masuul ka tahay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta, ayaa intaa ka dib ugu war bixiyay ajandaha guud ee Shirka iyo mowqifka ay Jaamacaddu iska taagtay arrinta Berbera iyo DP World.

- Advertisement -

“ Ajandayaasha laga hadlay way badnaayeen ilaa Sagaal ayay ahaayeen, waxa kamid ahaa horumarinta Dalalka Soomaaliya, Suudaan ,Yemen, Liibiya iyo Wadamo kale,  waxa annaga gaar inoo ahaa inay jaamacadda Carabta xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan  arrinta soomaaliya sida midnimada iyo Qarannimadda umada Soomaaliyeed iyo in aysan jiri karin shirkad ajnabi ah iyo Dalal shisheeye oo arrimaha Soomaaliya soo fara geliya, shirkad aan Dowladda Soomaaliya ka haysan oggolaash marna kama shaqayn karto Soomaaliya” ayuu yidhi wasiir Cawad.

Safiirka Soomaaliya u jooga Masar  Cabdiqani Maxamed Wacays , ayaa dhankiisa ammaanay Khudbaddii uu wasiirku halkaasi ka jeediyay, isagoo bogaadiyay siduu u dul istaagay heshiiska baadilka ah ee ay wada galeen DP World, Itoobiya iyo Soomaaliland iyo wax yeellada ka iman karto, wuxuuna aad usoo dhaweeyay go’aankii ay ka arrintaasi ka qaadatay Jaamacadda Carabta ee ahaa inay waajib tahay in la ilaaliyo madaxbanaanida, siyaasadda, Qarannimada iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go,aan diidmo ah ka qaadatay heshiiska Sadax geesoodka ahaa ee ay Shirkadda DP-World , Itoobiya iyo Somaliland wada galeen,  iyadoo ku tilmaantay  inuu yahay  baadil meel ka dhac ku ah Qarannimada Soomaaliya, oo uusan sax ahayn heshiis aan soo marin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories