HomeCaalamkaSoomaaliya iyo Pakistan oo heshiis kala saxiixday(Akhriso Qodobada)

Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis kala saxiixday(Akhriso Qodobada)

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Isfahan heshiis iskaashi (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha. Dhanka Soomaaliya waxaa heshiiska […]

- Advertisement -

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Isfahan heshiis iskaashi (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Dhanka Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiisay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Danjire Khadijia Mohamed Al-Makhzoumi halka dhanka pakistan uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaasi Shahid Khaqan.

- Advertisement -

Heshiiska ayaa la xiriira sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd ilaalinta xuduudaha oo ay Pakistan ku tahay dalalka ugu horeeya, siinta aqoonsi muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliya oo la xiriira la socodkooda, maadaama Soomaaliya lagu wado in u ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

“Heshiiska nuxurkiisa waxa uu ahaa in Dowladda Pakistan ay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ID-kaarada muwaadiniinta iyo hubinta macluumaadka muwaadiniinta, waxaana Dowladd Soomaaliya ka caawinayaa xalinta iyo la socodka dadka muwaadiniinta ah” ayuu yiri Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo ah saxafi madax banaan kuna sugan dalka Pakistan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories