HomeCaalamkaMo Farah oo tacadi loogu geystay Dalka Jarmalka

Mo Farah oo tacadi loogu geystay Dalka Jarmalka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Mo Farah ayaa sheegay in uu yahay dhibbane ay soo gaareen dhibaatooyin xagga isir naceybka ah,kadib markii ay waxyeello fudud uu u geystay nin ka tirsan  ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha Munich ee dalka Jarmalka. Mo Farah oo  afar xilli ku guuleystay billadda dahabka ee ciyaaraha  orodka Olimbikada ,isla markaana heysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa […]

- Advertisement -

Mo Farah ayaa sheegay in uu yahay dhibbane ay soo gaareen dhibaatooyin xagga isir naceybka ah,kadib markii ay waxyeello fudud uu u geystay nin ka tirsan  ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha Munich ee dalka Jarmalka.

Mo Farah oo  afar xilli ku guuleystay billadda dahabka ee ciyaaraha  orodka Olimbikada ,isla markaana heysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa warku intaa ku daray in uu duubay ama iska qabtay sawir filim ah xilli nin caddaan ah uu tuurayo ama dhabarka ka riixayo,isagoo ku sugnaa qeybta sugitaanka diyaaradaha ee safarka ku maraya garoonkaasi.

- Advertisement -

Farah ayaa la kulmay shilkaasi ay geysteen ciidamada ammaanka garoonka,kadib kolkii uu ka  soo laabtay dalka Itoobiya oo uu u tagay safar shaqo oo la xiriiray  tababar uu ku soo qaatay

Sir Mo Farah ayaa sheegay in askarigaasi uu yahay nacas, tallaabadaasi uu qaadayna ay tahay mid fulaynimo ah.

Baraha bulshada ayaa lagu arkay filim socday 47-ilbiriqsi oo muujinaaya Mo Farah oo askari nabad ilaalin ah uu ka riixayo dhabarka,isla markaana uu u kaxeynayo albaabka lagu sugo diyaaradaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories