HomeWararMadaxweyne Waare oo ka hadlay Xildhibaan Hir-Shabeelle oo qarax ku geeriyooday

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Xildhibaan Hir-Shabeelle oo qarax ku geeriyooday

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C.qaadir Craxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Balidoogle ku geeriyooday.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Hirshabelle ayaa tacsi udiray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Cabdiqadir Baraf oo ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana ahaa Waiiru dowlaha Amniga.

- Advertisement -

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabweyne ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo LA unkay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

- Advertisement -

–DHAMMAAD–

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories