HomeCaalamkaShir looga hadlayo xaalada Soomaaliya oo Maanta ka furmaya london

Shir looga hadlayo xaalada Soomaaliya oo Maanta ka furmaya london

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Diblomaasiyiin ayaa ku sii qulquleya magaalada London oo lagu wado in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah. Hay’adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii aan gargaar deg deg lala soo gaarin […]

- Advertisement -

Diblomaasiyiin ayaa ku sii qulquleya magaalada London oo lagu wado in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii aan gargaar deg deg lala soo gaarin dadkaasi ay horssedi karta xaalad macluul oo mar kale Soomaaliya ku habsata.

- Advertisement -

”Bulshada Caalamka ayaa kal hore badbaadisay kumanaan kun oo qof oo ay soo food saartey abaar sanadkii hore, iyagoo sameeyey kahor tag inta aaney faraha kabixin xaaladdu”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda.

Dalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxaa ka dhacey abaar daran, halka sanadkanna dad gaaraya 2.7 million ay ku jireen xaalad deg dega, maadaama aaney helin quutul duruuriga maalinlaha ah.

Hey’addaha gargaarka ayaa doonaya in looggu yabooho $1.5 billion lacag gaareysa, si ay u fidiyaan barnaamijyo muddo socda oo lagu kaalmaynayo bulshada, si looga hortago in dhibaatooyin kale dhacaan.

- Advertisement -

Caruur lagu qiyaasay 300,000 oo ay da’doodu kayar tahay shan sano jir, ayaa waxaa haysata macluul.

”Inkastoo ay jirto abaar, haddana waxaa dhanka kale jira amni darro taasoo xaaladda uga sii dartey. In ka badan 1.1 million oo qof ayaa guryahooda isaga cararey kadib markii uu saameeyey dagaalo ay keeneen macluusha iyo abaarta” ayay tiri NRC.

Sanadkii 2016 waxaa jiray malaayiin qof oo dalka gudihiisa ku barakacday. Ilaa iyo hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa dalalka dersika ah qaxooti ku ah.

Shirka Maanta ka furmaya Magaalada london ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ka soo baxaan waxyaabo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories