HomeCaalamkaSawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Shir Caalami ah uga qeyb galay Mareykanka

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Shir Caalami ah uga qeyb galay Mareykanka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa  dalka Mareykanka uga qeyb galay shir looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka iyo xasiloonidarada ka jirta Soomaaliya. Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Washington ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka,waxaana diirada lagu saarayay qodobo ay ka mid ahaayeen waxka qabashada Saboolnimada, rabshadaha mararka qaar dalka ka dhaca iyo […]

- Advertisement -

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa  dalka Mareykanka uga qeyb galay shir looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka iyo xasiloonidarada ka jirta Soomaaliya.

Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Washington ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka,waxaana diirada lagu saarayay qodobo ay ka mid ahaayeen waxka qabashada Saboolnimada, rabshadaha mararka qaar dalka ka dhaca iyo sidii looga gudbi lahaa.

- Advertisement -

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galayay madax ka socotay badi Wadamada Caalamka iyo Wakiilo matelayay Hay’addo Caalami ah,kuwaas oo ka dooday amnidarada ka jirta waqtigaan meelo badan oo caalamka ah iyo sida xal looga gaari karo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirkaas uga qeyb galaya Soomaaliya ayaa wax laga weeydiiyay Arrimaha Bani’aadanimada, Amnidarada, Masuq maasuqa iyo maareynta habka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn shirka ayaa la filayaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 7 bisha Maarso la soo gaba gabeeyo,waxana ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doonaa Madaxda shirkaasi soo qaban qaabisay ee ka socota Bankiga Aduunka.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories