HomeCaalamkaDhalinayaro laga soo daayay Xabsiyada Libya oo ku soo wajahan M/Muqdisho

Dhalinayaro laga soo daayay Xabsiyada Libya oo ku soo wajahan M/Muqdisho

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Dhalinyaro Somaliyed oo lagu guuleystay in laga soo daayo xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Somaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray. Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Somali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay u dulqaadan […]

- Advertisement -

Dhalinyaro Somaliyed oo lagu guuleystay in laga soo daayo xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Somaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray.

Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Somali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay u dulqaadan waayeen xabsiyada dalka Libya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ku haystay.

- Advertisement -

Barta xiriirka Bulshada uu ku leeyahay Safiir Ali Fiqi, ayaa wuxuu soo dhigay hadal kooban oo muujinaayay dhalinyaradaasi xabsiyada laga soo daayay iyo sida dowladda Somaliya ay ugu dadaashay.

“Wiilashi ugu horeeyay ee Xabsiyada Tajora iyo Sika ku xirnaa ayaa saaka ka ambabaxey Magaalada Tripoli iyagoo ku si jeeda dhulkoodi hooyo. Waxay marayan TUNIS, Istanbul kadibna Muqdishu, iyadoo ka degi doono Garoonka Adan Abdulle Osman maalinta Arabacada subaxdi. Insha Allah safar Salaama.” Ayuu yiri Amb. Ali Fiqi

Inkastoo tirada dhalinyarada Somaliyed ee ku xiran xabsiyada dalka Libya ay aad u badan yihiin, ayaa haddana 13 ka mid ah kaliya ogolaatay in dalkooda lagu soo celiyo, halka kuwa kalena ay sheegeen inay ku sii sugnaanayaan dalka Libya.

- Advertisement -

Dowladda Somaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dalalka caalamka looga sii dayn lahaa dhalinyarada Somaliyed ee ku dhiban, xilli dalka la keenay maxaabiis kala duwan oo India, Itoobiya, Libya iyo Seychelles dowladda ay ka soo daysay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories