HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Benaadir oo shaqada ka joojiyey shaqaale bixiyey shati ganacsi oo...

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo shaqada ka joojiyey shaqaale bixiyey shati ganacsi oo been abuur ah

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

   Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shaqada ka joojiyey mid ka mid ah shaqaalaha Gobolka ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha sameynta dukumiintiyada ganacsi ee been abuurka ah. Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo […]

- Advertisement -

 

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shaqada ka joojiyey mid ka mid ah shaqaalaha Gobolka ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha sameynta dukumiintiyada ganacsi ee been abuurka ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah, iyadoo uu ku amray in ay la socdaan xarumahaas. Sidoo kale Madbacadii sameysey tiimbaraha been abuurka ah iyadana waxaa laga hakiyey shaqada inta baaristu ku socoto.

“Waxaan kula dardaarmayaa ganacsatada Gobolka in ay hubiyaan sharciyada ganacsi ee ay heystaan, sababtoo ah shatiyada been abuurka ah waa dambi weyn qofkii lagu qabtana uu ku muteysanayo ciqaab iyo ganaax aad u adag.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si deg deg u sameystaan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan gobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loo furtay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanaha shatiga been abuurka ah sameeyey iyo cid kasta oo kala qeyb qaadatay fal danbiyeedkaas, taas oo horseedaysa in guul laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta.

DHAMMAAD

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories