HomeCaalamkaShir Maanta Magaalada Kampala uga Furmaya madaxda dalalka ay Ciidamada ka Joogaan...

Shir Maanta Magaalada Kampala uga Furmaya madaxda dalalka ay Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018,waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan […]

- Advertisement -

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018,waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda H.E. Yoweri Kaguta Museveni,ayaa marti-gelin doona shirka oo beri furmaya,waxaana la filayaa iney ka qeyb galaan madax heerkeedu sareeyo,sida Wakiilo ka socda Guddiga Midowga Africa,Xubno ka socda Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Xubno ka kala socda Gobolka iyo Ururo caalami ah iyo Wakiilo metalaya shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doono qaab gunaanadka shirkii bishii September ee sanadkii 2017-dii lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareynkanka,waxaana shirka New York uu ahaa mid la isku aragti dhaafsanayay Xaaladda Soomaaliya,Mustaqbalka Ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo waliba hanaanka Kumeel gaarka ah ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya kala wareegi karaan amaanka guud ahaan dalka Ciidamada AMISOM.

Shirka 2-bisha March ka furmaya magaalada Kampala ee caasimadda Uganda,ayaa bixinaya fursad ah in si qoto dheer looga wada xaajoodo Marxaladda Soomaaliya,doorka dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya,joogteynta habka haboon ee la saadaalin karo maalgelinta AMISOM iyo Waxqabadka xaaladda kala guurka ee AMISOM.

- Advertisement -

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa loo diyaarinayaa sidii mas’uuliyadda amaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM oo mudo sanado ah jooga,kuwaasi oo Ciidamada Xoogga dalka ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories