HomeWararSaraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan...

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan ku dilay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ka dib howlgal ka dhacay Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Gado. Howlgalka ayaa ciidamada xoogga dalka soomaaliya waxa ay ka fuliyeen Tuuloyinka kala ah Caanoole,barrow diinle ,Daahir Maalin iyo Cali Xareed. Ciidamada Xoogga dalka ayaa Tuulada Caanoole ku dilay labo Horjooge […]

- Advertisement -

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan ku dilay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ka dib howlgal ka dhacay Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Gado.

Howlgalka ayaa ciidamada xoogga dalka soomaaliya waxa ay ka fuliyeen Tuuloyinka kala ah Caanoole,barrow diinle ,Daahir Maalin iyo Cali Xareed.

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga dalka ayaa Tuulada Caanoole ku dilay labo Horjooge oo ka tirsan Al-shabaab iyo Maleyshiyaad tiradooda lagu sheegay 20 Dagaalame.

Labada Sarkaal ee howlgalka lagu dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mahad Cabdi Kariin iyo Cabdulaahi Macalin geeddow

Taliyaha qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cismaaciil Saxardiid oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xooggan isla markaasine ay si wada jir ah ay iskaga kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo mareynkan ah

- Advertisement -

General Saxardiid waxa uu tilmaamay in tuuloyinka kala ah Caanoole,barrow diinle ,Daahir Malin iyo Cali Xareed ay markii hore ay joogeyn maleyshiyada Al-shabaab balse hada ay soo gashay gacanta ciidamada dowlada soomaaliya

Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamada ku dileen labo horjooge oo Al-shabaab u haayay xilal muhiim ah

Labada horjooge ee la dilay ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa degaanada kala ah Caanoole,barrow diinle

Mahad Cabdi kariim ayaa ahaa Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa tuulada Canoole halka Cabdullaahi Macalin geedow uu ahaa horjoogaha degaanka barrow diinle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories