HomeCaalamkaAl-Shabaab oo burburiyay Anteenadii Shirkadda Safaricom M/Mandheera

Al-Shabaab oo burburiyay Anteenadii Shirkadda Safaricom M/Mandheera

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dablay la tuhunsan yahay inay ka tirsan Al-Shabab ay weerar ku qaadeen baro ay ciidamada amniga Kenya ku leeyihiin magaalada Fino oo ku taal inta u dhaxaysa Mandera iyo Lafey. Wararka aynu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya inay jiraan askar dhimatay kadib weerarkaas. ragga […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dablay la tuhunsan yahay inay ka tirsan Al-Shabab ay weerar ku qaadeen baro ay ciidamada amniga Kenya ku leeyihiin magaalada Fino oo ku taal inta u dhaxaysa Mandera iyo Lafey.

Wararka aynu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya inay jiraan askar dhimatay kadib weerarkaas. ragga weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale la sheegay inay burburiyeen anteenadii shirkadda Safaricom.

- Advertisement -

Ururka Al-Shabab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarrada ka dhaca degaannadaas Waqooyi Bari Kenya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay ka tageen dhanka Soomaaliya isla markaana durbadiiba ay ku soo laabteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaladu ay tahay mid degan balse Ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaaq,isla markaana dadka Shacabka ah ay cabsi dareemayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories