HomeCaalamkaDowladda Britain oo balan qaad u sameysay dowladda Soomaaliya

Dowladda Britain oo balan qaad u sameysay dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar. Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal SOomaaliya […]

- Advertisement -

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.

Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal SOomaaliya iyto Britain.

- Advertisement -

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahnaR/wasaare  kuxigeen Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Amaanka iyo dimuqraadiyada.

”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” ayuu yidhi R/W xigeen Dalka.

Dowladda Britain ayaa kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya,waxaan Britain ay kaalin ku leedahay taageerada Ciidamada Qalabka Siad ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha kaladuwan ee Dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories