HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Cusub ee Spain

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Cusub ee Spain

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Spain u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma. Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Spain u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Spain ay kala shaqayso.

- Advertisement -

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Spain Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taaganyihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories