HomeWararShabaab oo soo bandhigay magaca ninkii kaxeynayay gaarigii ku qarxay afaafka Madaxtooyadda

Shabaab oo soo bandhigay magaca ninkii kaxeynayay gaarigii ku qarxay afaafka Madaxtooyadda

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xoogaga Shabaab ayaa soo bandhigay magaca ninkii kaxeynaayay gaarigii ku qarxay meel ku dhaw madaxtooyada Somaliya Jimcihii la soo dhaafay, kadib weerarkii Shabaab ay ka gaysteen Magaalada. Horay Shabaab waxa ay u soo bandhigeen qabiilka iyo magaca ninkii isku qarxiyay meel gaadiidka la dhigto Hotelka Dorpin ee Magaalada Muqdisho. Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo Shabaab dhexdiisa […]

- Advertisement -

Xoogaga Shabaab ayaa soo bandhigay magaca ninkii kaxeynaayay gaarigii ku qarxay meel ku dhaw madaxtooyada Somaliya Jimcihii la soo dhaafay, kadib weerarkii Shabaab ay ka gaysteen Magaalada.

Horay Shabaab waxa ay u soo bandhigeen qabiilka iyo magaca ninkii isku qarxiyay meel gaadiidka la dhigto Hotelka Dorpin ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Anas) ayaa wuxuu noqday ninkii ka xeynaayay gaarigii xoogga ku jiiray Koontaroolka Sayidka, kadibna ku qarxay afaafka hore ee Madaxtooyadda Somaliya.

Maxamed C/raxmaan oo ka soo jeeda deeganada Baay iyo Bakool, ayaa wuxuu ka dhashay Qabiilka Boqol hore ee deeganada Koonfur Galbeed.

Da’diisa waxa ay aheyd 21-sano jir, wuxuuna ka tirsanaan jiray dagaalyahanadii Al Shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho, xilligii Shabaab furamaha dagaalka Shabaab ay ku lahaayeen Muqdisho.

- Advertisement -

Ninkaan ayaa gaarigii uu waday wuxuu ku qarxay meel aan sidaasi kaga fogeyn Madaxtooyadda Somaliya, kadib markii uu xoog ku soo jiiray Koontaroolka Sayidka ee ciidamada Militariga jooggaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories