HomeCaalamkaDhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo Guddi baara u saartay dhacdadii AMISOM ay ku dileen...

Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo Guddi baara u saartay dhacdadii AMISOM ay ku dileen Askariga NISA+Sawirro

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Guddi ay u saareen baaritaanka dhacdadii 23kii bishan ka dhacday isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabad Sugidda Qaranka iyo kolanyo uu saarnaa Taliyeha Ciidamada AMISOM. Magacaabista guddigan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Guddi ay u saareen baaritaanka dhacdadii 23kii bishan ka dhacday isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabad Sugidda Qaranka iyo kolanyo uu saarnaa Taliyeha Ciidamada AMISOM.

Magacaabista guddigan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Amniga,Taliyeyaasha Hay’adda Nabad Sugida iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faransisco Madera oo ay wehliyaan Taliyaasha Booliska iyo Militariga ee AMISOM.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa balanqaaday in si hufan ay u sameyn doonaan baaritaankaasi, isagoo dhanka kale ka tacsiyadeeyey geerida Askarigii NISA ee geeriyooday,wuxuuna eebe uga baryay in uu bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay dhacdadaasi.

Dhanka kale Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xunyahay falkii dhacay,isagoo intaasi ku daray in uusan marnaba soo laaban doonin falkaasi.

Danjire Francisco Madera ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada baaritaanka lagu sameynayo sida ay u dhacday arrintaasi,si loo ogaado xaqiiqda jirta.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories