HomeCaalamkaSawiro:-Maxkamada Sare ee Kenya oo Go’aan ka gaartay muran ka dhaxeeyay ...

Sawiro:-Maxkamada Sare ee Kenya oo Go’aan ka gaartay muran ka dhaxeeyay Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallin

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay kursigii Gaarisa ee ay ku muransanaayeen Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallin. Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan. Laanta Maxkamadda sare ee Kenya […]

- Advertisement -

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay kursigii Gaarisa ee ay ku muransanaayeen Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallin.

Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan.

- Advertisement -

Laanta Maxkamadda sare ee Kenya u qaabilsan Milimani,ayaa go’aankan ku dhawaaqday daqiiqado ka hor,waxaana Aadan oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda uu yiri.

“Waxaan u hambalyeynayaa Garsoorayaasha i difaacayay,waxaana sidoo kale u mahad celinayaa dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabeen,waxaan qirayaa in eedihii la igu soo oogay ay ahaayeen kuwo aan caddeyn heysan.” Ayuu yiri Aadan Barre Ducaale

Aadan waxa uu u mahad celiyay  hoggaamiyaha Kooxda qareennada ee difaaceysay C/naasir Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka caawiyay in uu kursigiisa u xalaaloobay.

- Advertisement -

Doorashadii dhacday 8 August 2017-kii ayuu ku guuleystay Aadan Barre oo hadda ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya,waxaana kursigan kula tartamayay Faarax Macallin oo horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.

Hoos ka Daawo Sawirrada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories