HomeWararSawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo kulan Gaar ah la qaatay taliyayaasha Ciidamada

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan Gaar ah la qaatay taliyayaasha Ciidamada

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Wasiirka Amniga Xukuumadda,Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa galabta booqday xarunta Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho,waxayna kula dardaarmeen xoojinta Amniga caasimadda.

Ciidamada Xasilinta oo horay howlgalo hub ka dhigis ah uga sameeyay magaalada Muqdisho ayaa hadda Hub iyo Ciidan lagu kordhiyay si ay ulaba jibaaraan howlgalka lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Ugu horeyn ayaa madasha waxaa Ciidamada kula hadlay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Generaal Bashiir Cabdi Maxamed oo sheegay in muhiim ay tahay sugida Amniga,islamarkaana Ciidamada Booliska habeen kasta qaadayaabn howlgal lagu sugayo Amniga caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo madasha ka hadlay ayaa balan qaaday inaan laga ganban Cadowga,habeen iyo maalina u taagan yihiin sidii looga hortagi lahaa weerarada Cadowga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ” Injineer Yariisow” oo madasha Ciidamada Xasilinta kula hadlay ayaa marka hore madaxda Qaranka uga mahad celiyay siday uga jawaabeen baaqii ahaa in Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ka howlgalaan meelaha ay ku dhuumanayaan Kooxaha Nabadiidka.

- Advertisement -

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka gobolka Benaadir waxaan uga mahadcelinayaa madaxda qaranka ka jawaabidda baaqeenii ahaa in ciidamadda Xasilinta Caasimaddu ay ka howlgalaan meelaha ay ku dhuumanayaan kooxaha nabad-diidka ah oo la sugin inta ay dhib geysanayaan. Shacabka Gobolka Benaadir na wuxuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo hay’adaha amniga xasilloonida magaalada”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shalay shir magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada laga soos aaray in la sii dardar geliyo sugida Amniga Caasimadda Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories