HomeCaalamkaDhageyso:-Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay london

Dhageyso:-Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay london

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xalay waxaa magaalada London lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah, halka mid kalena si xun loogu dhaawacay. Dilalkan loo geysto dhalinyarada Soomaalida ayaa ah kuwo magaaladaas ku soo noqnoqday. Dilalka iyo dhaawaca ayaa xalay waxa ay sigaar ah uga dhaceen Xaafada  Borough of Camden ee Magaalada London,waxana la sheegay in dilkooda loo adeegsaday tooreey. […]

- Advertisement -

Xalay waxaa magaalada London lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah, halka mid kalena si xun loogu dhaawacay. Dilalkan loo geysto dhalinyarada Soomaalida ayaa ah kuwo magaaladaas ku soo noqnoqday.

Dilalka iyo dhaawaca ayaa xalay waxa ay sigaar ah uga dhaceen Xaafada  Borough of Camden ee Magaalada London,waxana la sheegay in dilkooda loo adeegsaday tooreey.

- Advertisement -

Koronto Aadan oo deris la’ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dilka iyo dhaawaca la’isugu daray ayaa sheegtay in ay indhaheedu qabteen meydka labada dhalinyarada Soomaaliyeed ah halka midka dhaawaca ah loo sheegay.

Waxa ay sheegtay in meydka dhalinyaradaas ay la wareegeen Booliska London,iyaga oo u sheegay in baaritaano ay ku sameynayaan si loo ogaado dadkii ka dambeeyay dilkaas.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn dadka ka dambeeyay dilkaasi Dhalinayarada Soomaliyeed ayaa hadana Koronto Aadan waxa ay sheegtay in loo maleynayo in uu dabasocdo dilka Nin u dhashay dalka Jameyka kaas oo Sabtidii lagu dilay Xaafada  Borough of Camden.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee xlay la dilay ayaa mudo laga joogo 4 Bilood waxaa sidaan oo kale la dilay Walaalkiisa arrintaasi oo walwal ku abuurtay Qoyska Wiilashaan.

Soomaalida ku nool Xaafada Kandin ee Magaalada London ayaa waxaa xiligaan soo wajahay cabsi maadaama xalay si barer ah tooreey dil iyo dhaawac loogu geystay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay yaqaaneyn.

Hoos Ka Dhageyso Codka Koronto Aadan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories