HomeCaalamkaMacalimiinta wax ka dhiga Iskuulada Wajeer oo cabsida Al-Shabaab darteed u cararay

Macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada Wajeer oo cabsida Al-Shabaab darteed u cararay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Kadib weerar laba habeen ka hor ka dhacay Wajeer oo loo gaystay Barayaal aan u dhalan deegaanka Wajeer waxa uu sababay in Barayaashaasi ay hadda billaabaan in ay isaga cararaan deegaankaas. Barayaasha ayaa sheegaya in amnigooda ay u baqayaan maaddaama Al-Shabaab ay billaabeen beegsiga Macallimiinta aan u dhalan deegaankaas ee ka hawlgala Waqooyi BariKenya. Mas’uuliyiinta […]

- Advertisement -

Kadib weerar laba habeen ka hor ka dhacay Wajeer oo loo gaystay Barayaal aan u dhalan deegaanka Wajeer waxa uu sababay in Barayaashaasi ay hadda billaabaan in ay isaga cararaan deegaankaas.

Barayaasha ayaa sheegaya in amnigooda ay u baqayaan maaddaama Al-Shabaab ay billaabeen beegsiga Macallimiinta aan u dhalan deegaankaas ee ka hawlgala Waqooyi BariKenya.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo waaliddiinta ayaa ka walaacsan xaaladdan cusub ee waxbarasho la’aanta ah maaddaama Dugsiyada deegaankaas ay hadda barayaal la’aan yihiin.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay 15 Iskuul ayaa la sheegay in ay Barayaashoodii ka baxeen deegaankaas iyada oo dadka deegaanka ah barayaasha u dhashay ay ka yar yihiin tirada loo baahan yahay.

Maamulka Waxbarashada Gobolka ayaa sheegay in ay kulan la qaadanayaan mas’uuliyiinta ammaanka Gobolka si ugu yaraan Macallimiinta aan u dhalan deegaankaas ay u helaan ciidan ammaankooda suga.

- Advertisement -

Xoghayaha Ururka ay ku mideysanyihiin Macallimiinta Waxbarashada Kenya ee Knot loo soo gaabiyo Nuur Bardaad ayaa sheegay in 15 Iskuul ay macallin la’aanyihiin taas oo ka dhalatay amni la’aanta ka taagan Gobolka darteed.

Xoghaye Nuur ayaa ku hanjabay in dhamaan macallimiinta ay ka bixi doonaan degaannadaas haddii madaxda siyaasadda iyo amaanka degaankaas aysan wax ka qaban dhibaatada ay la kulmayaan Barayaasha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories