HomeWararAkhriso+Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Akhriso+Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka golaha amniga qaranka oo dhworkii maalmood ee la soo dhaafay ka socda Muqdisho. Shirkan oo ay ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banadir, kana dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana looga hadlay […]

- Advertisement -

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka golaha amniga qaranka oo dhworkii maalmood ee la soo dhaafay ka socda Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banadir, kana dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana looga hadlay amniga qaranka, arrimaha siyaasadda loo dhanyahay ee sannadkan 2020-ka iyo qaybsiga kheyraadka.

- Advertisement -

Madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa shirka kusoo dhaweeyay guddomiayaha gobolka Benadir oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay, iyagoo na sidookale bogaadiyay dhammeystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna-Wal_jamaaca.

XAYEYSIIN

Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image caption
Madaxda Soomaalida qaar kamid ah
Arrimaha amniga qaranka

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa isku raacay qoddobo ay kamid yihiin in dowladd goboleedyadu dar-dar geliyaan daraaseynta tirada iyo tayada ciidamada booliskooda oo ay ka mid yihiin daraawiishtu, kadibna la isku dhafo si waafaqsan hannaanka Boolisaynta cusub iyo qaab-dhismeedka amniga qaranka.

War murtiyeedka ayaa sidookale lagu sheegay in dowladda federaalku ay ciidamada booliska dowlad goboleedyada oo ay ku jiraan daraawiishta ka caawiso waxyaabaha ay u baahanyihiin ciidamada booliska sida hub, Saanada, agab ciidan, raashin, dawo, gunno, tababar iyo tayeyn, si ay uga qeyb qataan hawlgallada ka dhanka ah xarakada Alshabaab.

Madaxada ayaa sidookale ku heshiiyay in la magacaabo, lana howl-geliyo guddiga isku dhafka ee ciidamada xoogga Dalka.

Qoddobada kale ee ka soo baxay shirka ayaa waxaa kamid ahaa in guddiga farsamada ee amniga qaranka oo ka kooban heer federaal iyo mid gobol ay kulmaan saddexdii asbuucba hal mar, kuwaa oo xog dhammeystiran la wadaagi doono madaxweynaha dowladda federaalka iyo Madaxdooda.

Sidookale xafiisyada qorsheeya amniga qaranka ayaa war murtiyeedka lagu sheegay in la siiyo miisaaniyad lagu hawl-geliyo xafiisyada amniga ee dowlad-goboleedyada iyo in la dadajiyo dhameystirka ciidamada, kuwaa oo si heer qaran ah la isugu dhafi doono tababarka kahor.

Arrimaha Siyaasadda

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha tubta Siyaasadda ee loo dhanyahay ee 2020-ka, taasoo dood iyo falanqayn dheer kadib ay madaxdu isla garteen in fulinteeda ka wada qayb qaataan dowladda federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah iyo gobolka Benaadir.

Sidookale waxaa lagu heshiiyay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban toban xubnood, kuwaa oo kasoo tala bixin doona arrimaha federaalka.

Arrimaha Wadaagista Khayraadka

Mas’uuliyiinta ayaa markii ay dhageysteen war-bixintii wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda waxaa ay isla qateen in la saxiixo heshiis ku-meel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga dakhliga kasoo xarooda Kalluumaysiga inta laga soo dhamaystirayo heshiiska guud ee qeybsiga kheyraadka dalka.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa isku raacay in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo 28-ka bisha Maarso ee sannadkan, si looga heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories