HomeCaalamkaSargaalkii labaad oo iscasilay Aqalka Cad

Sargaalkii labaad oo iscasilay Aqalka Cad

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xubin kale oo sare oo ka tirsan aqalka cad ayaa isucasilay eedeeymo la xiriiray tacadiyo uu u gaystay xaaskiisii hore. David Sorensen,oo ah nin khudbadaha qora ayaa beeniyay eedeeymaha ay u soo jeedisay xaaskiisii hore. Waxa uu sheegay in uusan doonayn in uu caqabad ku noqdo maamulka madaxwayne Trump ,taasina ay tahay sabababta uu isu […]

- Advertisement -

Xubin kale oo sare oo ka tirsan aqalka cad ayaa isucasilay eedeeymo la xiriiray tacadiyo uu u gaystay xaaskiisii hore.

David Sorensen,oo ah nin khudbadaha qora ayaa beeniyay eedeeymaha ay u soo jeedisay xaaskiisii hore.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in uusan doonayn in uu caqabad ku noqdo maamulka madaxwayne Trump ,taasina ay tahay sabababta uu isu casilay.

Arrintan waxay bilaabatay todobaadkan ka dib markii ay so baxeen warar ku saabsan in xoghayaha shaqaalaha aqalka cad Rob Porter uu tacadiyo u gaystay labadiisa xaas.

Markii hore aqalka cad ayaa difaacay balse markii dambe isbadalay ka dib markii haweenay ay soo saartay sawir .

- Advertisement -

Mr Porter ayaa iscasilay inkastoo uu diiday eedeeymaha.

Balse madaxwayne Trump ayaa fadeexadan ka dhigay mid sii jirta ka dib markii uu amaanay Mr Porter isaga oo aan cambaarayn ficilkiisa.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu shaqa wanaagsan qabtay balse uu uu wanaag u rajaynayo mar walba.

Mr Trump ma uusan carab baabin labadan haween ee eedeeynta soo jeediyay taasi oo ay dad badan ka caroodeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories