HomeCaalamkaMadaxweyne Farmaajo oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somaliya. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa waxyaabaha looga wada hadlay, waxa ay ku saabsanaayeen xiriirka labada dal. Wakaalada Wararka Imaaraadka Carabta ayaa qortay in Madaxweyne Farmaajo si wanaagsan Madaxtooyadda ugu soo dhaweeyay Safiirka, islamarkaana […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somaliya.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa waxyaabaha looga wada hadlay, waxa ay ku saabsanaayeen xiriirka labada dal.

- Advertisement -

Wakaalada Wararka Imaaraadka Carabta ayaa qortay in Madaxweyne Farmaajo si wanaagsan Madaxtooyadda ugu soo dhaweeyay Safiirka, islamarkaana ay isla gorfeeyeen arrimo dhawr ah.

Inta uu kulanka socday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dowladda Imaaraadka, shacabka iyo madaxdaba uga mahadceliyay sida Abu-dhabi uga taageerto Soomaaliya arrimo badan, isaga oo ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Dhinaca kale, Ambassador-ka Imaaraadka Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxa uu Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan-qaaday in Abu-dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Muqdisho.

- Advertisement -

Isla todobaadkan Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay taliyaha amniga, lama oga wax ay ka wada hadleen, iyada oo jirto in December 30, sanadkii tagay ciidamo ay Imaaraadka tababaraan weerar ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid, weerarkaasi oo baaritaankiisa socdo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories