HomeMaqalDhageyso:-Madaxweyne Farmaajo Maalmo kadib ku soo laabtay Muqdisho

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo Maalmo kadib ku soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya. Wasiirka arrimaha dibadda […]

- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii  madaxweynaha,wuxuuna sheegay in uu guul ku soo dhamaaday,wasiir Cawad ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay taageersantahay dib u habaynta lagu sameynayo Ururka Midowga Afrika iyo qorshayaasha ku aadan mideynta suuqyada xorta ah ee Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaliya  kaq jeediayay shirkaasi,isagoo dhanka kale magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kulamo kala duwan kula yeeshey qaar kamid ah hoggaamiyaashii shirkaasi ka qeybgalay,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters oo uu kala hadlaya sidii QM ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya,iyadoo Mr Gutters uu ku ammaanay Dowladda Soomaaliya waxqabadkeeda.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay inta uu ku  sugnaa Magaalada Adis-ababa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo madax ka socotay Midowga Yurub

Shirmadaxeedkii 30-aad ee Midowga AFrika ayaa inta badan diiradda lagu saaray xoojinta la dagaalanka Musuqa,arggagixisada iyo dhibaatooyinka Tahriibka iyo qodobo kale.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories