HomeCaalamkaSawirro:-Soomaaliya oo Xoojineysa ku Guuleysashada xilka Xoghayaha Guud ee IGAD

Sawirro:-Soomaaliya oo Xoojineysa ku Guuleysashada xilka Xoghayaha Guud ee IGAD

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Cawad ayaa magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay dhigiisa ka soo kala jeeda dalalka Ethiopia, Kenya, Sudan, Jabuuti, Koonfurta Suudaan iyo Uganda,isagoona kala hadlay sidii ay u aqbali lahaayeen uguna codeyn lahaayeen  Dr. Abdusalam Hadliye Omer, oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo u taagan qabashada […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Cawad ayaa magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay dhigiisa ka soo kala jeeda dalalka Ethiopia, Kenya, Sudan, Jabuuti, Koonfurta Suudaan iyo Uganda,isagoona kala hadlay sidii ay u aqbali lahaayeen uguna codeyn lahaayeen  Dr. Abdusalam Hadliye Omer, oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo u taagan qabashada xilka Xoghayaha Guud ee  Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirada kula kulmay Addis Ababa,halkaasi oo uu ka socda shirka fadhigiisa 32-aad ee kulanka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.

- Advertisement -

Inkastoo Soomaaliya ay xubin fir fircoon ka tahay Urur Goboleedka IGAD,ayaa hadana markii ugu horeysay waxay shaacisay iney musharax u tahay qabashada xilka Xoghayaha Guud ee Urur IGAD oo u sharxan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Soomaaliya Dr. C/salaam Hadliye Omar..

Urur Goboleedka IGAD oo xaruntiisa dhexe ay tahay dalka Jabuuti ayaa lagu aasaasay aragti ka timid qaar ka mid ah Hogaamiyaashii Geeska Africa oo uu ku jiro Alle ha u naxariistoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories