HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo Galabta u duulay Addis Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo Galabta u duulay Addis Ababa

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika. Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

- Advertisement -

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories