HomeWararSawirro:-Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin oo...

Sawirro:-Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Kulan wadajir ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha ayaa Muqdisho ka dhacay. Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ujeeddadiisu ahayd in afarta hay’ad ay kawada hadlaan wadashaqayntooda gaar ahaan hawlaha ay gaarka […]

- Advertisement -

Kulan wadajir ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha ayaa Muqdisho ka dhacay.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ujeeddadiisu ahayd in afarta hay’ad ay kawada hadlaan wadashaqayntooda gaar ahaan hawlaha ay gaarka u leeyihiin iyo kuwa ka dhaxeeya ee ay tahay in si wadajir ah ay uga wadashaqeeyaan.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay Hay’adaha ku soo bandhigeen qorsho-hawleedkooda, kadibna waxaa laga dooday sida ay tahay in loo wadashaqeeyo.

Guddiyada Madaxbanaan ayaa waxa ay Wasaaradaha ka codsadeen in ay u soo dedejiyaan diyaarinta shuruucda muhiimka u ah ee ay ku xiranyihiin hawlaha ay qorsheysteen in ay sanadkan qabtaan.

Dhanka kale, Wasaaradaha ayaa ballanqaadeen in ay fulin doonaan codsiga Guddiyada si sanadkan ay guul uga gaaraan hawlaha ay qorsheysteen.

- Advertisement -

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maalmihii dambe waday in ay xiriir wanaagsan oo wadashaqeyneed la yeelato hay’adaha ay hawsha kala dhaxeyso si guul looga gaaro Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

 

—–DHAMAAD—-

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories