HomeCaalamkaCiidamada Qaramada Midoobey oo loogu baaqay in ay is difaacaan

Ciidamada Qaramada Midoobey oo loogu baaqay in ay is difaacaan

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee ka howlgalaya qaar ka mid ah goobaha adduunka ugu khatarta badan ee dagaaladu ay ragaadiyeen ayaa loogu baaqay in ay diyaar u noqdaan isla markaana ay awood u yeeshaan in ay awood isticmaalaan si ay isu difaacaan haddii ay halis dareemaan. Warbixin cusub oo loo gudbiyay xoghayaha guud ee […]

- Advertisement -

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee ka howlgalaya qaar ka mid ah goobaha adduunka ugu khatarta badan ee dagaaladu ay ragaadiyeen ayaa loogu baaqay in ay diyaar u noqdaan isla markaana ay awood u yeeshaan in ay awood isticmaalaan si ay isu difaacaan haddii ay halis dareemaan.

Warbixin cusub oo loo gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in 56 ka mid ah ciidamada Qaramada Midoobay la dilay sanadkii aynu soo dhaafnay.

- Advertisement -

Tan iyo sanadkii 2013, 195 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay weerarro lagu soo qaaday.

Tiradaasi dhimashada ayaa ah tii ugu badneyd abid ee Qaramada Midoobay soo marta muddo intaa dhan.

Warbixintan oo ay diyaariyeen khubaro dhanka ammaanka ah ayaa lagu sheegay in hadda la joogo xilligii ay nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay ka hortagi lahaayeen weerarrada ka dhanka ah.

- Advertisement -

Khubarada ayaa ku doodaya in calanka Qaramada Midoobay aan sidii hore loo xurmeyn, askarta nabad ilaalintana looga baahan yahay inay ka hortagaan khatarta kusoo wajahan ayagoo adeegsana awood haddii loo baahdo.

Howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay ka waddo qaaradda Afrika ayaa ah kuwa ugu dhimashada badan, warbixintuna waxa ay sheegaysaa in khasaarahaasi laga hortagi karo haddii ciidamada la siiyo tababar ku filan ka hor inta aan loo dirin nabad ilaalinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories