HomeCaalamkaCiidamo Mareykan iyo Somali ah oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay D/Jamaame

Ciidamo Mareykan iyo Somali ah oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay D/Jamaame

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciidamo Mareykan iyo kuwa Somali ah, ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo. Hawlgalkaan ayaa wuxuu dhacay xalay, kadib markii ciidamadan Mareykanka iyo kuwa Somalida ah oo wada socda ay ku dagteen duleedka Magaalada Jamaame. Ciidamadan oo watay diyaarado Helicopter ah ayaa lagu soo […]

- Advertisement -

Ciidamo Mareykan iyo kuwa Somali ah, ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Hawlgalkaan ayaa wuxuu dhacay xalay, kadib markii ciidamadan Mareykanka iyo kuwa Somalida ah oo wada socda ay ku dagteen duleedka Magaalada Jamaame.

- Advertisement -

Ciidamadan oo watay diyaarado Helicopter ah ayaa lagu soo waramayaa duleedka Jamaame markii ay ku dagteen inay qaab lug ah ku galeen Magaalada, balse Koontaroolka Magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada iyo ciidanka Shabaab.

Dagaalkaasi oo socday muddo kooban ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray.

Taliska ciidamada Mareykanka Africom, kama aysan hadlin weerarkaan qorsheysan ee xalay ay ku qaadeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

- Advertisement -

Al Shabaab ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerar qorsheysan oo ciidamadaasi ay ku soo qaadeen Magaalada Jamaame, khasaare kala duwana ay gaarsiiyeen ciidamadii weerarkaasi soo qaaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories