HomeCaalamkaDad ku dhintay dab ka kacay Portugal

Dad ku dhintay dab ka kacay Portugal

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, tobanaanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii uu qarax ka dhashay dab ka shidnaa xarun bulsho oo ku taalla waqooyiga Portugal. Dabka ka kacay Vila Nova da Rainha ayaa billowday markii qalab biyaha kululeeya oo dhismaha ku jiray uu qarxay, sida uu sheegay duqa magaalada. Ilaa […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, tobanaanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii uu qarax ka dhashay dab ka shidnaa xarun bulsho oo ku taalla waqooyiga Portugal.

Dabka ka kacay Vila Nova da Rainha ayaa billowday markii qalab biyaha kululeeya oo dhismaha ku jiray uu qarxay, sida uu sheegay duqa magaalada.

- Advertisement -

Ilaa 60 qof ayaa xarunta wakhtigaas ku sugnaa, kuwaasoo ku mashquulsanaa cayaar, halka qaarna ay TV daawanayeen.

Dabka waxaa la sheegay inuu qabsaday saqafka sare, ka dibna uu fiday, ayadoo dadku ay anfariireen.

Vila Nova da Rainha waxay u dhowdahay magaalada Tondela, taasoo qiyaastii 260 KM waqooyi bari ka xigta magaalada caasimadda ee Lisbon.

- Advertisement -

Duqa magaalada Tondela, Jose Antonio Jesus, ayaa u sheegay wargayska Publico in dabku uu sababay xaddi badan oo ah Carbon Monoxide.

Ilaa 35 qof ayey waxyeello ka soo gaartay, kuwaasoo 6 ka mid ah ay liitaan, sida ay warbaahinta maxalliga ku warramayso.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories