HomeCaalamkaAmisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo Ciidanka Booliska ka hor bixitaankooda

Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo Ciidanka Booliska ka hor bixitaankooda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliska Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa sheegay in ay sii kordhinayaa tababarada la siinayo saraakiisha iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkan 2018,si ay Amisom ugala wareegaan amniga guud ee dalka,taasi oo qeyb ka ah go’aankii horey uga soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ee ahaa in Amisom ay ku wareejindoonta amniga Dalka ciidamada qalabka sida […]

- Advertisement -

Taliska Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa sheegay in ay sii kordhinayaa tababarada la siinayo saraakiisha iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkan 2018,si ay Amisom ugala wareegaan amniga guud ee dalka,taasi oo qeyb ka ah go’aankii horey uga soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ee ahaa in Amisom ay ku wareejindoonta amniga Dalka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kuxigeenka wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Simon Mulongo oo magaalada Muqdisho abaalmarino ku gudoonsiinayay saraakiil kamid ah booliska Amisom oo waajibaadkoodi gudanayay,ayaa munaasabadaasi ka sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed,taasi oo sahlaysa in ay amniga dalka kala wareegaan Amisom.

- Advertisement -

“sanadkani waxaana doonaynaa in aanu xoojino tababarada iyo dhiirogelinta  ciidanka booliska Soomaaliyeed,si kor loogu qaado heerka ahaatan ay taagan yihiin,heer federaal iyo heer dowlada goboleedba,waxaana diiradda saaraynaa si tayada loo xoojinayo nuuca tababarada ah oo ay u baahan yihiin ‘, Ayu yiri Simon Mulongo .

Simon Mulongo oo ah ku xigeenka Wakiilka  Amisom ee Soomaaliya ayaa ku amaanay ciidamada booliska Amisom gaar ahaan qeybta ka socota Dalka Nigeria oo kusugan Soomaaliya dowrka ay ka qaadanayaan wadashaqeynta kala dhexeysa ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay ka sacidiin dhankasta,si ay waajibaadkoodi ugu gutaan si hufan.

 

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories