HomeCaalamkaTahriibayaal Dooni kula degtay Badda u dhaxeysa liibya iyo Talyaaniga

Tahriibayaal Dooni kula degtay Badda u dhaxeysa liibya iyo Talyaaniga

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay badda 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga. Waxaa kaloo la la’yahay dad kale oo doonta saarnaa sida ay sheegtay hay’ad dalka Spian laga leeyahay. Shilkan dhacay ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee […]

- Advertisement -

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay badda 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Waxaa kaloo la la’yahay dad kale oo doonta saarnaa sida ay sheegtay hay’ad dalka Spian laga leeyahay.

- Advertisement -

Shilkan dhacay ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee sanadkan cusub dhaca iyadoo dariiqaasi badda aad loogu dhamaanayay mudo dheer.

Kudhowaad 34,000 oo qof ayaa ku dhamaaday amaba lagu waayay biyaha Talyaaniga iyo Liibiya u dhaxeeya ilaa sanadkii 2000.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in qalabka wax lagu ilaaliyo ee diyaaradaha ay kula socdeen doomaha ay saaran yihiin dadka lasoo tahriibiyo.

- Advertisement -

Waxaa hadda weli socda baadigoobka loogu jiro dad badan oo doonta saarnaa.

Midowga Yurub war uu dhowaanta soo saaray ayaa lagu sheegay in dadka Yurub u haajiraya ay tiro ahaan hoos u dhacday sanadkii la soo dhaafay.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2017-kii 3,000 oo qof ayaa ku haligmay badda iyagoo isku dayay inay Yurub gallaan.

Hoos u dhacan ku yimid dadka Yurub u tahriibaya ayaa loo sababaynayaa xuduudaha oo si weyn loo adkeeyey.

Sidoo kale hoos u dhacan waxaa qayb weyn ka qaatay heshiiskii Turkiga lala galay ee ahaa inuu ka hortaga dadka dalkiisa ka soo galaya Yurub.

BBC somali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories