HomeWararSawirro:-Gudoomiye Taabit oo la kulmay Culumada ku nool M/Muqdisho

Sawirro:-Gudoomiye Taabit oo la kulmay Culumada ku nool M/Muqdisho

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay Culimada ku nool Magaalada Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa Culimadda kala hadlay sidii door muuqda ay uga qaadan lahaayeen arrimaha ku aadan xal u helida xaaladda Gobolka Banaadir.

“Waxaan la kullanay Culimada Soomaaliyeed ee degan G/Benaadir waxaana ka codsanay in ay na garab-istaagaan si aan u nabadeyno una horumarino Gobolka Benaadir. Barnamijka Deriseynta ama Isha-Xaafadda waxaa qayb weyn ka qaadan kara wacyi-gelinta Culimada, si looga hortago sharta nabad-diidka ama argagixisada ee afkaaraha qaldan adeegsada.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay culimadda Somaliyed inay kala hadleen arrimaha ku aadan dib u heshiisiinta, maadaama Gobolka Banaadir dhawaan uu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada degan Muqdisho.

“Waxaan sidoo kale kala hadalnay arrimaha dib-u-heshiisiinta, hanti-isucelinta iyo arrimaha cadaaladda & gar-soorka oo dhamaantood wacyigelin diini ah aad loogu baahi qabo.”

“Ugu dambeyntii waxaan ku casuunay Shirka Wadatashiga Nabadeynta & Horumarinta Gobolka Benaadir oo dhacaya 7-da Janaayo 2018, wayna naga aqbaleen in ay nagala soo qeybgalaan, doorka uga aadanna ka qaataan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir, iyadoo laga eegaayo dhinacyada muhiimka u ah horumarka Gobolka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories