HomeWararAl-Shabaab oo Xukun dil toogasho ah ku fuliyay 5 Ruux

Al-Shabaab oo Xukun dil toogasho ah ku fuliyay 5 Ruux

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen 5 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen dowladda Soomaaliya Iyo Itoobiya.

Shanta Ruux oo dhamaantood rag ahaa ayaa Goobta xukunka dilka toogashada  ay ka dhaceysay waxa ay isugu keeneen boqolaal ka mid ah Shacabka Kuntuwaareey kuwaas oo daawanayay qaabka uu dilka u dhacayay.

- Advertisement -

Hoos Ka Akhriso Magacyada 5 ruux oo ay AlShabaab toogteen.

1:-C/qaadir Cumar Xasan oo 23 Sano jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Maamulka degmada Qoryooleey.

2:-C/Qaadir Shukri Xasan 30 jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

3:-Muxumed Abshir Cali 35 Sano jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolada Koonfur Galbeed qaarkood.

4:- Cali Yuusuf Axmed 36 Sano jir ahaa oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay dowladda Kenya.

5:-Cali Axmed Sheekh oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.

Horay ayaa Al-Shabaab sidaan oo kale waxa ay u toogteen dad ay ku eedeeyeen la Shaqeynta  Dowladda iyo Ciidamada AMISOM.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories