HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaray xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad taariikhi […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaray xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo uu kaga hadley muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay waqti badan gelisay la wareegitaanka maamulida Hawada Soomaaliy isla markaana dhawaan la gudageli doono Shaqooyin kale oo adag sida in la dhameeyo muranka Badda ee u dahxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa isna sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay maanta ka mira dhalisay waqtigii ay ku bixisay sidii dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya maamulka hawadeeda.

- Advertisement -

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories