HomeMaqalDhageyso:-Waa sidee xaalada Caafimaad dadkii ku dhaawacmay qarixii Zoobe ee loo qaaday...

Dhageyso:-Waa sidee xaalada Caafimaad dadkii ku dhaawacmay qarixii Zoobe ee loo qaaday Kenya?

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Zoobe 14,kii Octooper ayaa ahaa mid walaac badan ku abuuray Ummadda Soomaaliyeed,waxaana jiray dowladdo farabadan oo gurmad Caafimaad u soo fidiyay dadka Soomaaliyeed. Dalka Kenya ayaa ka mid ah meelaha dadkaasi la geeyay si loogu daweeyo,waxaana haatan la sheegayaa in qaarkood xaaladooda ay soo hagaageyso,isla markaana ay rajeynayaan […]

- Advertisement -

Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Zoobe 14,kii Octooper ayaa ahaa mid walaac badan ku abuuray Ummadda Soomaaliyeed,waxaana jiray dowladdo farabadan oo gurmad Caafimaad u soo fidiyay dadka Soomaaliyeed.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah meelaha dadkaasi la geeyay si loogu daweeyo,waxaana haatan la sheegayaa in qaarkood xaaladooda ay soo hagaageyso,isla markaana ay rajeynayaan in dalka Soomaaliya ay dib ugu soo laabtaan.

- Advertisement -

Hadaba qaar ka mid ah dadkaas ayaa waxa ay sheegeen in ay hadda dareemayaan Caafimaad maadaama dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay waqti badan gelisay sida ay caafmaadkooda ku soo hagaagi laheyd.

In kastoo ay aad u badnaayeen dadkii ku naf waayay qarixii Zoobe ayaa hadana waxaa jira dad qaarkood lixaadkooda ku waayay qaraxaas isla markaana ku socda Gawaarida ay isticmaalan dadka naafada ah.

Dhinaca kale Xogheyaha Koowaad ee safaarada Soomaalida ee dalka Kenya Xabiib Birmad Cigaal ayaa sheegay in inta badan dadkii howlo caafimad loogu keenay Kenya ay caafimaad qabaan halka weli kuwo kale daryeelkooda uu socdo.

- Advertisement -

Dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Zoobe 14,kii Octooper ayaa Caalamka ka helay gurmadyo Caafimaad kuwaas oo badan kood lagu guuleystay in la daweeyo,balse waxaa jirtay cabasho ka imaaneysay dhaawacyadii dowladda Qatar ay u qaaday dalka Suudan.

Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah dadka lagu daweynayo Isbitaalada dalka Kenya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories